Xariir Cusub oo u Biloowday Soomaaliya iyo Myanmar.

0
12

Isniin 12 Jun 2026 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Myanmar ayaa maanta si rasmi ah u billowday xiriir diblomaasiyadeed oo cusub, ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Danjire Cali Maxamed Abuukar oo Soomaaliya u fadhiya dalalka Malaysia iyo Myanmar ayaa sheegay inuu muhiim yahay xiriirka cusub, isla markaasna ay sii xoojin doonaan.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso dalka Myanmar si loo horumariyo danaha aan wadaagno, loona xoojiyo xiriirka labada shacab iyo cilaaqaadka labada dowladood.” ayuu yiri Danjire Cali Maxamed Abuukar.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa sheegay in ay xoogga la saari doono iskaashiga dhinacyada horumarka iyo danaha guud ee ka dhexeeya labada qaran.

Dhankeeda, Safaaradda dalka Myanmar ayaa si diiran u soo dhaweysay Danjiraha iyo diblomaasiyiintii ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xiriirka cusub ee ay la yeesheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here