Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsanaya ganacsiyada xawaaladaha Soomaalida ee dadka u fududeeya dirista lacagaha dibadda, gaar ahaan kuwa lacagaha loogu diro qoysaska Soomaaliya.
Arrintaan ayaa timid kadib markii maamulka Trump uu kordhiyay baaritaannada musuqmaasuqa Minnesota oo ay ku badan yihiin Soomaalida.
Madaxweyne Trump ayaa horey u sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay ku lug leeyihiin lacag-dhaqid, inkasta oo aan caddeyn badan loo hayn.
Tallaabadan cusub waxay timid kaddib kiis musuqmaasuq ah oo lagu eedeeyay hay’ad lagu magacaabo Feeding Our Future, oo loo haysto inay lunsatay $300 milyan oo loogu talagalay cuntooyinka carruurta intii lagu jiray Covid-19.
Warbixin uu soo xigtay xoghayaha Hantida, Bessent, ayaa sheegtay in lacagaha laga dhacay barnaamijyada dowladda ay gaareen Al-Shabaab. Warbixintan kuma jiraan caddeymo rasmi ah, mana jiro qof loo xiray eeddaas.
Bessent wuxuu sheegay in Wasaaradda Hantidu ay soo saari doonto amar cusub oo ah in shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya ay keenaan xog dheeri ah oo lagu hubinayo macaamiladooda.
Hay’adda FinCEN oo la dagaallanta lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ayaa arrintan qayb ka noqon doonta. IRS-na waxay baari doontaa shirkadaha lagu eedeeyo musuqmaasuqa.
Bessent wuxuu sheegay in shaqaalaha Wasaaradda Hantida ay hadda goobaha ku sugan yihiin, oo ay wadaan baaritaanno si ay runta u ogaadaan.






