Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeed la xiriira Cayda, Aflagaaddo, Sumcad-dil, isku dir bulsho iyo kicin bulsho.

0
43

Axad 31, Aug 2025 {HMC}Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu hayo dacwad ka dhan ah dad adeegsaday Aflagaado, iska hor keenid Bulsho, Faafinta muuqaallo anshax xumo ah, Sawirro iyo waxyaabo kale oo saamayn ku yeelanaya Bulshada, inkasta oo aanay xafiisku sharaxaad ka bixin dacwaddaas.

Waxaa jira Xubno xilal kala duwan ka haya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kale oo baraha Bulshada & Warbaahinta isku mariyay hadallo adag oo qaarkood laga dheehan karo aflagaado, caga-juglayn iyo kicin Bulsho.

Sidoo kale Muuqaallo lagu sameeyay Garaadka Macmacka ah (AI) ayaa lagu faafiyay Baraha Bulshada, waxaa muuqaalladaas si toos ah u taabanayeen mas’uuliyiin qaar Dowladda Federaalka Soomaaliya oo aaladdaas loo adeegsaday.

Waxaa la dhowrayaa Tallaabada uu qaadi karo xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, dadka lasoo taagi karo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo kiisaskaas kala duwan ee xafiisku sheegay in dacwad ka dhan ah uu qabtay.

Haddaba, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xal ma u noqon karaa soo afjaridda hadallada saamaynta taban dhalin kara ee la is dhaafsanayo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here