Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada Muqdisho.

0
57

Isniin, 04 August 2025 {HMC} Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho waxaa isku hor fadhiya Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo kale oo la socda Xildhibaanno diidan in Suuqaas la dumiyo, waxaa xiran goobaha Ganacsiga sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Xildhibaanno uu kamid yahay Yaasiin Farey oo la hadlay Warbaahinta ayaa Dowladda Federaalka ee uu xubinta ka yahay ugu baaqay in ay si hoose u eegto arrinta Suuqa Siinaay isla markaana ka baaqsato in ay dumiso.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo isugu jira Booliis, Nabadsugid & Booliiska sida Militariga u tababaran dul geysay Hareeraha Suuqa Siinaay oo gudihiisa ay joogaan ciidamada la socda Xildhibaannada diidan dumintiisa.

“Dowladda waxaa laga rabaa in ay idinka idin kala tacaamusho haddii la bixinayo Siinaay, Canshuur bixiyaal ayaad tihiin, haddii la idinka kicinayo ee dan guud loo isticmaalayo ileen dhulka iyada ayaa leh” Xildhibaan Yaasiin Fareey.

Xildhibaanno katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa maalmihii lasoo dhaafay tagay qaar kamid ah goobaha dantaguud ah ee Dowladdu ka burburisay Dadkii degenaa, waxa ay soo jeediyeen in Dowladda xal u raadiso qoysaskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here