Monday 30 March 2026 {HMC} Sida ay HMC Somali TV u sheegeen saraaiil ku sugan baydhabo xiisada ayaa timid kadib markii ay Kala shaki yeen labo Sargaal oo taageersanaa Laftagareen kuwaas oo kala ah Taliyaha CID-da Mohamed Gaalneb iyo Taliye Dugudow oo ahaa Taliyihii dhawaan ay xilka ka qaaday Dowladda Soomaaliya.
Sargaalka lagu magacaabo Mohamed Gaalneb oo ah ninka haayo Hubka ugu badan ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe isla markaana ay yihiin qaraabo hoose yihiin, ayaa laga shakiyay in uu ku biiri rabo ciidamada ku sugan duleedka Baydhabo.
Wararka waxay ay sheegayaan in lagu hareereysan yahay Guriga taliyaha CID, waxaana laga cabsi qabaa iska hor imaad dhaxmaro ciidamada taabacsan lafta gareen iyo ilaalida taliyaha CID da.
Xigasho Nation TV



