spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Xiisadda Iiraan, ayaa gobolka bariga dhexe ka dhalisay loollan dib usoo celisay...

Xiisadda Iiraan, ayaa gobolka bariga dhexe ka dhalisay loollan dib usoo celisay kala jabka Carabta iyo Turkiga.

0
27

Axad 1 Feb 2026 {HMC} Warbaahinta Mareykanka ayaa baahisay Sacuudiga inuu kula taliyay Mareykanka , in laga dhabeeyo hanjabaada Trump ee weerar lagu qaado Iiraan.

• Warbixinnadaa markii ay soo baxeen ; wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa baahiyay sawir uu gacmaha heysto madaxweynaha Turkiga, Erdogan iyo wasiirka arrimaha dibadda , Hakan Fidan , isagoo Turkiga ku tilmaamay walaal , bixinaya dadaal lagu xasillinayo gobolka.

• Waxaa xigatay ; wakaaladda wararka AFP oo baahisay sarkaal ka tirsan dawladda Sacuudiga inuu u sheegay Turkiga inuusan qeyb ka noqon doonin heshiiska difaaca wadajirka ah ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Pakistan.

• Trump ayaa soo baxay oo sheegay in wadahadallo sax ah oo la xiriirta arrinta Iiraan inay socdaan, taa oo ka duwan hanjabaadihii uu Iiraan u dirayay.

• Warbaahinta Mareykanka ayaa soo laabatay oo sheegaysa in 24 saac ee u dambeysay isbeddel uu ku yimid Trump, ayna muuqato suragalnimo in wada-xaajood lagu xallinayo arrinta Iiraan, isla warbixinnadan waxaa lagu sheegay in dadaallada Turkiga iyo Qatar ay u muuqdaan kuwa guuleystay oo lagu hakiyay suragalnimo weerar lagu qaado Iiraan, tani waxay kala soocday Sacuudiga iyo xulafadiisa oo ku talinaya in laga hortaggo nidaamka Iiraan inuu awood yeesho, halka Turkiga iyo Qatar ay iskudayayaan wada xaajood in lagu xalliyo xaaladan.

Suragal ma tahay in lagu guuleysto joojinta weerar lagu qaado Iiraan?

Sida marar kala duwan laga soo xigtay Trump, wuxuu jecelyahay qaabka ay Turkiga iyo Qatar u maareeyaan xaaladda bariga dhexe , si fudud Turkiga iyo Qatar, waxay ka joojiyaan Mareykanka xaalad dagaal iyo burbur dhaqaale inuu arrimaha gobolka bariga dhexe ku wajaho, waxayna faa’iidada uu Mareykanka raadinayo ku siiyaan si ka fudud hab milatari oo ah wada-xaajood, tusaale cad waxaa u ah sida Ankara iyo Dooxa ay uga caawiyeen Trump , wada xaajood faa’iido leh in lagu joojiyo dagaalkii Qasa, kadib Turkiga ayaa abaalmarin u helay Suuriya.

Turkiga , ma wuxuu rabaa inan Iiraan la weerarrin?

Turkiga , ma doonayo in Iiraan meesha laga saaro, sababtoo ah waxay dheeli-tiraysa gobolka bariga dhexe , oo waa xoog cadaadinaya Israa’iil, mana ay doonayaan in la beddelo nidaamka Iiraan, taa oo faa’iido u arko Turkiga , taa beddelkeeda ma doonayo Turkiga inay jirto Iiraan xoog leh , marka wada-xaajoodyada lagu joojin karo dagaalka , kaliya waxay ka fuliyaan dhinaca Mareykanka marka awoodda Iiraan qayb ahaan hoos loo dhigo, halkaana waa meesha uu Turkiga ka helayo faa’iido ka badan in nidaamka Iiraan meesha laga saaro, oo waxa xiga ay noqoto qalalaase xoog leh, tusaale ahaan burbur kasta oo ku yimaada nidaamka Iiraan, wuxuu dib u furi karaa faylka Kuridada ee hadda dhinaca Suuriya uu iska xiray Turkiga iyo fowda uu ka wajaho dhinaca xadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here