Axad 25, Jan 2026 {HMC} Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay “isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)” isla markaana ay u dhaqmayso sidii “jaajuus cadow ah oo Israa’iil u dhex joogay dunida Carabta.”
Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Sacuudiga, si Imaaraadku u noqdo quwadda ugu sarreysa gobolka.
Maqaal aad u kulul oo maalintii Khamiista lagu daabacay wargeyska Al Jazirah ee kasoo baxa Sacuudiga, ayuu Axmed bin Cuthmaan At-Tuwaijri ku eedeeyay madaxda Imaaraadka (gaar ahaan Abu Dhabi) in ay indho-tirtay “nacayb iyo xaasidnimo,” ayna dhabarka u jeediyeen Boqortooyada inkastoo Sacuudigu uu tobanaan sano garab taagnaa.
Tuwaijri, oo horey hormuud uga soo noqday Jaamacadda King Saud, xubinna ka ahaa Golaha Shuurada, ayaa dhaleeceyntiisa si gaar ah ugu jiheeyay Imaaradda Abu Dhabi. Wuxuu sheegay inay waddo “shirqoollo cadaawadeed oo ku hoos gabbanaya diblomaasiyad,” isla markaana ay ka dambayso isku dayo dhowr ah oo lagu xasillooni-darreynayo gobolka.
Golaha Shuurada waa gole la-talin iyo sharci-dejin oo Boqorka kala taliya arrimaha sharciga, siyaasadda, iyo maamulka, waana nidaam la mid ah dhaqanka soo jireenka ah ee Carabta.
Isagoo tallaabooyinka Imaaraadka ku tilmaamaya kuwo halis ku ah jiritaanka iyo mabda’a Carabta, ayuu Tuwaijri sheegay in Imaaraadka—oo uu maamulo Maxamed bin Zayed, oo ah nin si weyn u diidan Islaamka siyaasiga ah—ay la safatay Israa’iil si ay u wiiqdo danaha Carabta.
“Waxay isku dayayaan inay daacadnimadii loo hayay midnimada Carabta iyo Islaamka u weeciyaan dhanka saamaynta shisheeye,” ayuu qoray Tuwaijri. Wuxuuna intaas ku daray, “Tani waa khiyaano laga galay Alle, Rasuulkiisa, iyo guud ahaan ummadda, mana aha wax la iska indho-tiri karo.”
Weerarrada lagu hayo kooxaha iska-caabinta
Tuwaijri ayaa ku andacooday in shirqoolladan ay ka mid yihiin iskaashi toos ah oo dhanka milatariga iyo sirdoonka ah, taageerada hawlgallada Israa’iil ee Gaza, iyo in saldhigyada milatari ee Imaaraadku ku leeyahay Badda Cas iyo Geeska Afrika loo isticmaalo in lagu fududeeyo weerarrada Israa’iil ku hayso “kooxaha iska-caabinta” Falastiiniyiinta.
Isagoo tusaale u soo qaadanaya dalka Yemen, wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay halkaas ka abuurayso fowdo iyadoo taageeraysa kooxo ku sugan koonfurta dalkaas, kuwaas oo si ula kac ah uga horyimid dowladda caalamku aqoonsan yahay.
Bishii la soo dhaafay, dagaalyahanno taabacsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday magaalooyin, saldhigyo milatari, dekedo, iyo goobo shidaal oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo ka qabsaday dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.






