Jimc 23 Jun 2025 {HMC} Xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Don Bacon ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku “qaldanaa” hadalladii uu ka sheegay ciidammada NATO ee Afgaanistaan, isagoo intaas ku daray in uu “malaha uusan garanayn xaqiiqda dhabta ah.”
“Anigu si toos ah ayaan u ogahay in xulafadeenna Yurub ay garab nagula dagaallameen Afgaanistaan iyo Ciraaq, isla markaana ay waayeen wiilal iyo gabdho badan oo qaali ah.”
Wuxuu sii raaciyay inuu lasoo shaqeeyay “askar badan oo British ah oo aad u wanaagsan, rag iyo dumarba,” isagoo ku daray inuu “si shaqsi ah ugu mahadcelinayo Boqortooyada Ingiriiska.”
Bacon ayaa la filayaa inuu dhowaan ka fariisto Congress-ka, wuxuuna horey marar badan si cad uga soo horjeestay madaxweynaha Maraykanka.



