Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed oo saameynaya Amniga Qaranka

0
16

Isniin  26, Jan 2026 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed oo saameynaya Amniga Qaranka.

Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe ayaa guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad, iyadoo ay soo xaadireen 145 Xildhibaan.

Golaha ayaa cod u qaaday sharciga Seybarka Soomaaliyeed, 144 Xildhibaan ayaa oggolaaday sharciga, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here