Khamiis 19 March 2026 {HMC} Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana taageersan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa eedeyn culus u jeediyay ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Buur Hakaba.
Xildhibaanadan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay jebiyeen amarro ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii ay u oggolaadeen wasiirro ka tirsan dowladda federaalka inay halkaas ka abaabulaan ciidamo.
Arrintan ayay ku tilmaameen mid si toos ah uga hor imaaneysa awoodda iyo maamulidda dowlad-goboleedka.
Waxay sidoo kale ka digeen in tallaabooyinkan ay sii hurin karaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan nidaamka maamul iyo amni ee u yaalla dowlad-goboleedka.
Xildhibaanadu waxay carrabka ku adkeeyeen in lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo in aan la abuurin xaalado keeni kara isku dhac hor leh.
Ilaa iyo hadda, wax war rasmi ah kama soo bixin dhinaca ciidamada Itoobiya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan eedeymahan.
Xildhibaano federaalka ah oo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya Faragelin ay ku hayso Buur Hakaba
Xildhibaano federaalka ah oo ku eedeeyay Ciidamada Itoobiya Faragelin ay ku hayso Buur Hakaba



