Tuesday Dec 16, 2025 {HMC} Xoghayaha Guud ee FESOJ oo ka cudurdaartay ka mid noqoshada Guddiga Ilaalinta iyo La socodka Hab-dhaqanka Saxaafadda ee Xilliga Doorashada.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Mudane Faarax Cumar Nuur oo magaciisu uu ku soo baxay Liiska Xubnaha guddiga ilaalinta iyo la socodka Habdhaqanka Saxaafadda ee Xilliga Doorashada ayaa cudurdaar rasmi ah ka bixinaya ka imid ahaanshahaa guddigaas.
“Federation of Somali Journalists- FESOJ, waxa uu u taagan yahay difaaca xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka sidaas darteed, mid shakhsi iyo mid ururba kama mid noqon karno mabaadii’deena wixii wax u dhimaya, waxaanna sii wadi doonnaa ku shaqaynta madaxbannaanida iyo kormeerka xaaladdaha Suxufiyiinta ku jira shaqooyinka, si aan loo dhantaalin dhowrista xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta saxafiyiinta guud ahaan Soomaaliya”.
Xoghayaha guud Faarax Cumar waxaa uu intaas ku daray in uu rajeynayo in mawqifkaas la tixigalin doono Insha Allah.






