Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

0
10

Talaado 24 March 2026 {HMC} Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Argagixisada.

Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada.

Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Ramla Cali oo Dalkeeda soo booqatay.

Eedaysane Cabdulahi Cusmaan Maxamed, ayaa isna Lagu eedeeyay in uu dib ugu Laabtay aragaxisada oo horay uu uga tirsanaa, Islamarkaana Suuqa Bakaaro uu ku lahaa Ganacsi Qudaar oo gabbaad u aheyd, ayna ku kala warqaadan jireen isaga iyo Eedeysane Cabdisalaam.

Cabdullahi Cusmaan ayaa horay usoo dhameystay Xukun ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Eedaysane Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo Argagixisada kaga biiray Degmadda Qoryooleey 2015, ayaa Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Xagjirka.

Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali ayaa loo heystay in Gabaadsiisay Eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, ayeeyo korana ugu aadaneyd eedeysane Cabdisalaan, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay Saxiibadeed Eedeysane Leylo Seef Faarax Axmed oo ay daris ahaayeen, kuna yaala Degmada Xamar jajab.

Faadumo ayaa iyadana Gurigeeda ka kireysay Eedeysane Cabdisalaam, iyaddoo aan la marin habraaca Kireynta Guryaha ee Hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka Banadir.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala Xukumay.
1- Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) Toban sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

2- Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr Labo sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

3- Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo 4- Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa Iyagana lagu xukumay Min Hal sano oo Ilku hayn Amni ah.

Halka 5- Cabdulahi Cusmaan Maxamed ay Maxkamadu siisay Xorriyadiisa ka dib markii ay tix galisay Dooda Qareenkiisa oo aheyd in uu soo dhamaystay xukun horay ugu dhacay, Maxkamadduna ay u cadeen u weysay in uu dib ugu laabtay Argagaxisada.

Sida uu warbaahinta u sheegay Abdisalaam Maalin Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here