Axad 11 Jun 2026 {HMC} Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta (Ansar Allah), Gaashaanle Sare Yaxya Sariic, ayaa hanjabaad cusub oo adag u jeediyay Maamulka Somaliland, kadib wareysi uu siiyay idaacadda Sawt Al-Yaman.
Yaxya Sariic ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ay si dhow ula socdaan, sida uu hadalka u dhigay, “qorshayaasha cadowga Yahuudda” ee ka socda waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland. Wuxuu Somaliland uga digay inay ka tanaasusho waxa uu ku tilmaamay xiriir iyo qorshayaal halis ku ah amniga Geeska Afrika.
“Waxaan u diraynaa walaalaheenna Somaliland digniinta ugu adag, taas oo ah inay si degdeg ah uga laabtaan qorshahan Yahuudda ee khatarta ku ah Geeska Afrika. Haddii kale, waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo noo furan, oo ay ku jirto isticmaalka gantaalladayada dhexe ee ugu awoodda badan,” ayuu yiri Yaxya Sariic.
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale hanjabaad toos ah u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), isaga oo ku eedeeyay inuu yahay “wakiil cusub oo Israa’iil ah” kana shaqeynaya, sida uu sheegay, danaha cadow shisheeye. Yaxya Sariic ayaa ku booriyay shacabka Somaliland inaysan oggolaan burbur iyo qalalaase, isaga oo xusay in Somaliland ay 35 sano ku nooleyd nabad iyo horumar.
Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan kadib booqashadii uu Somaliland ku tegay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, iyo isbeddellada cusub ee la xiriira xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Warkan ayaa walaac hor leh ku soo kordhiyay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, iyadoo indhaha caalamkuna ay si gaar ah ugu sii jeedaan jihada ay u socdaan xiriirrada Somaliland iyo Israa’iil, iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga guud ee Geeska Afrika.






