Thursday 24 Jully 2025 {HMC} Xuutiyiinta ayaa ka codsaday dalalka u dhaxeeya Yemen illaa marinka Qasa in ay xaduudka u furaan si ay kumanaan dagaal yahano ah ugu diraan Qaza.
Mid kamid ah Hoggaamiyaha sare ee Kooxda Xuutiyiinta Yemen, oo lagu magacaabo Cabdimalik Xuuti ayaa ka dalbaday inay xudduuda u furaan kumannaan dagaalyahan oo ka socda Xuutiyiinta oo ay u diyaariyeen inay gudaha u galaan marinka Qasa,
Ujeedka waxa auu ku sheegay Cabdimalik Xuuti si ay u jebiyaan go’doominta lagu hayo Qasa , isla markaana ay u dadka reer taageerraan Falastiin sida ay warisay Wakaaladda wararka Iran ee Irna,



