spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Yaanyada aay Mexico Udhoofiso Mareekanka oo lagu Dalacay Cashuur Gaareeyso 30%.

Yaanyada aay Mexico Udhoofiso Mareekanka oo lagu Dalacay Cashuur Gaareeyso 30%.

0
23

Talaado 15 July 2025 {HMC}  Dowladda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday canshuur dhan 17% oo la saaray yaanyada ka timaadda dalka Mexico, taas oo meesha ka saareysa heshiis saddex iyo labaatan sano ka dhaxeeyay labada dal.

Go’aankan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, iyadoo dowladda Mareykanka ay cadaadis saareyso Mexico si ay uga gaarto heshiis guud oo ganacsi oo labada dal dhexmara kahor 1-da Agoosto.

Haddii taas la waayo, badeecadaha Mexico oo dhan ayaa la filayaa in lagu soo rogo canshuur guud oo gaaraysa 30%.

“Mexico weli waa mid ka mid ah xulafadeenna ugu weyn, balse muddo dheer ayay beeraleyda Mareykanka cadaadis ku saarnaayeen dhaqammo ganacsi oo aan caddaalad ahayn, kuwaas oo hoos u dhigay qiimaha dalagyada sida yaanyada,” ayuu yiri Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, oo warsaxaafadeed soo saaray.

Wuxuu intaa ku daray in isbeddelkan uu la jaanqaadayo siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump iyo aragtidiisa ku aaddan xiriirka ganacsi ee Mexico.

Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa horey bishii Abriil u sheegtay inay muddo 90 maalmood ah gudaheed uga bixi doonto heshiiska, iyadoo sabab uga dhigtay inuusan si buuxda u difaacin beeraleyda Mareykanka ee yaanyada ka ganacsada.

Mexico ayaa la sheegay in ay hadda bixiso ku dhawaad 70% yaanyada suuqa Mareykanka, halka sanadkii 1994 ay ahayd qiyaastii 20%, sida lagu sheegay warbixin ay bixiyeen ururka Florida Tomato Exchange.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here