Zambia: Wasiir hore oo loo xukumay lunsi hanti dadweyne

0
22

Jimco 5 Sep 2025 {HMC} Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Zambia, Joseph Malanji ayaa lagu riday xukun afar sano oo xabsi ah, kadib markii maxkamad ku heshay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Malanji ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falkaas intii uu xilka hayay u dhexeeyay 2018 illaa 2021, xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Zambia.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa soo shaac baxay sanadkii 2021-kii, xilligaas oo la xiray kadib markii la ogaaday inuu ku lug lahaa hantida luntay.

Waxaa ka mid ahaa hanti ay dowladda sheegtay inuu si sharci darro ah u qaatay laba diyaaradood oo helicopter ah oo markii dambe laga soo helay gudaha Koonfur Afrika.

Maxkamadda ku taalla caasimadda Lusaka ayaa go’aanka ku dhawaaqday, iyadoo sheegtay in dambiyadaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Garsoorayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday in mas’uul kasta oo xil qaran haya lala xisaabtami doono haddii lagu helo ku takri-fal awoodeed ama musuq.

Xukunka Malanji ayaa loo arkay digniin loo diray wasiirrada iyo saraakiisha kale ee dowladda Zambia, si looga hortago ku takrifalka hantida shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here