174 Muwaadin oo ku Dhibaataysnaa Libya oo dalka dib loogu soociliyey .

0
4

KHamiis 23 april 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya maanta dalka dib ugu soo celisay 174 muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo dheer ku dhibaataysnaa dalka Libya.

Muwaadiniintan oo u badnaa dhalinyaro, ayaa laga soo daabulay dalka Libya ka dib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee socdaalka.

Sida qorshuhu ahaa, 15 kamid ah dhalinyaradan ayaa laga dajiyay magaalada Hargeysa, halka inta kale laga soo dajiyay magaalada Muqdisho si loogu celiyo gobolladii ay ka yimaadeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Xasan Maxamed Cali, oo ka hadlay soo dhaweynta muwaadiniintaas, ayaa tilmaamay in dowladdu ay juhdi iyo waqti badan ku bixisay sidii dhalinyaradan looga soo saari lahaa xabsiyada iyo xeryaha qaxootiga ee dalka Libya.

Soo laabashada kooxdan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugu soo celinayso dadka ku xayiran dalka Libya.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, sannadkan oo qura waxaa gudaha dalka dib loogu soo celiyay in ka badan 500 oo muwaadin, kuwaas oo wajahayay xaalado nololeed oo aad u adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here