Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo

Talaado , October -10- 2023-{HMC} Maamulka Puntland ayaa wuxuu ku eedeysay Somaliland inay ciidamo kusoo daabushay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo dhawaan ay ka dhacday is rasaasayn dhexmartay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah.

Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha. Walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu ugu baaqay Somaliland inay ciidamada ka saarto koonfurta magaalada Ceerigaabo.

“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Axmed Karaash wuxuu sheegay haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto in ay qaadan doonaan masuuliyadda ka dhalata arrintaan.

Tan iyo markii Laascaanood colaaduhu ka dhaceen, magaalada Ceerigaabo tiro dhowr jeer ah ayay shaqaaqooyin ka dhaceen, inkastoo odayaasha degaanka ay ku guulaysteen inay xal ka gaaraan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA