Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya oo Kormeer ugu Tagay Ciidamo ku sugan deegaanka cali fool dheere

Talaado , October -10- 2023-{HMC} Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta kormeer shaqo ugu tagay kumaandooska ilaalo qaran oo howlgallo sifayn ah maalmahaan ka waday ciid ciidka oo u dhaw deegaanka cali fool dheere ee gobolka shabeelada dhexe.

Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyay sida ay waajibkoodi ciidaneed uga guteen khawaarijtii ku dhuumaalysanaysay ciid ciidka ,isagoona xusay ineey tahay waxay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah.

Sidookale taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiishaba kula dar daarmay ineey sii laba jibaaran dadaaladooda ku aadan baacsiga iyo sifaynta khawaarijta ee goobaha duurka ah ee ay isku dayaan ineey isku soo aruursadaan kana soo maleegaan weeraro fulaynimo ah.

 

Taliska ciidanka dhulka oo uu horkacayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo lagu guubaabinaayo geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira khawaarijta ,isagoo taliyuhu ku sugan yahay furumaha horre ee dagaalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA