Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo gudaha u galay deegaanka Ciid ciidka Degmada Mahadaay

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga degaanka ayaa gudaha u galay dhulka howdka ah ee degaanka Ciid ciidka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe oo maalmihii la soo dhaafay ay ku jireen Maleyshiyaad ka tirsan Kooxda Al Shabaab kuwaas oo dagaal adag la galay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

 

Warbaahinta ku hadasho afka Dowladda ayaa lagu baahiyay sawiro lagu sheegaayo in laga so qaaday godadkii al Shabaab ay ku jireen in muda ah oo ay ka dagaalamaayeen.

 

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xooga dalka soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo katirsan Ciidamada Xooga dalka  ayaa maanta kormeeray degaanka Ciidka oo dhawaan laga saaray godod ay ku jireen Kooxda Al Shabaab.

 

In kabadan 15 maalin waxaa ku dagaalamayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka Degaanka Ciid ciidka Dagmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada dhaxe.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA