Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada oo soo saartay war-saxaafadeed Ku saabasan xaaladda dalka

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ka kooban 23 qodob oo lagu faahfaahiyey guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu ka gaartay dagaalka As iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah, bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Hoos ka akhriso qodobadaan ka soo baxay DF:

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 11 October, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a

2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya.

4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada.

9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug.

13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday.

15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta.

16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab.

19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway.

21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga.

23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere.

==============DHAMMAAD==============

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA