Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Qatar oo War ka soo Saartay Dagaalka ka dhanka ah AS eek a Socdo Soomaaliya.

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Dowladda Wadanka Qatar ayaa soo dhaweysay dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto sidii loo gaari lahaa nabad, xasillooni, la dagaallanka Alshabaab, horumarinta xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo bulsho,

Sheikh Jassim bin Abdulrahman Al Thani Xoghayaha Xafiiska Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga,, ayaa hadalkan sheegay, intii uu socday wadahadal uu la yeeshay khabiirka madaxa banaan ee xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo qayb ka ahayd kalfadhiga 54-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Geneva.

War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay siyaasadda ee ay dejisay dowladda Soomaaliya si loola dagaallamo isbeddelka cimilada, loo yareeyo saameyntiisa, loogana hortago saameynta xun ee ay ku leedahay xuquuqda aadanaha.

Waxay sidoo kale ku dhiirigelisay dowladda Soomaaliya inay sii waddo wadahadallada lagu xoojinayo dib-u-heshiisiinta qaranka ee dalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Dalka Qatar ay aad u daneyneyso in Soomaaliya ay siiso taageerooyin kala duwan si ay u sii joogteyso guulihii ugu dambeeyay ee la gaaray.

Bishii la so dhaafay ee June ee sanadkii hore, Doha waxay martigelisay shirkii saddexaad ee kooxda Quint Group on Somalia, iyadoo looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee hadda, iyadoo ay barbar socoto sidii kor loogu qaadi lahaa isku-xirnaanta iyo sidii loo heli lahaa xasilloonida dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Dowladda Wadanka Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana loogu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed iyo sidoo kale kaalmo farsamo oo lagu xoojinayo xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA