Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay isbadalka Muqaal ee madaxweyne Xasan Sheekh

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay isbadal ku yimid muuqaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kadib sawiro laga baahiyay madaxweynaha oo muujinaayay isbadalo laga dheehan karay muuqaalka madaxweynaha.

Sawirada hadal heynta badan dhaliyay ee muujinaayay isbadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa la xariira timaha madaxa iyo garka oo si weyn ugu baxay, kuwaas oo laga qaaday dhawaan maruu korneer ku tagay xeryaha ay ku jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo uu tababar uga socda dalka Eretariya.

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige oo ka hadlay sawirada hadal heynta badan dhaliyay ayaa sheegay in tahay masuuliyada qaran ee saaran madaxweynaha oo ah mid marwalba keeni karta isbadal.

“Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug, halkaas oo uu ka hoggaaminaayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, taasoo la tilmaamay iney qeyb ka tahay isbadalka muqaalka madaxweynaha.

“Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan” ayuu sii Afhayeen Dige.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka in madaxweynaha Soomaaliya uu ka tanaasulay waxyaabo badan oo uu heli karay sababo jira aawadeed.

“Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay” ayuu yiri Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdiqaadir Cali Dige.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA