Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida Soomaaliya oo Xukun ku riday rag nin Oday ahaa ku dhex dilay beertiisa.

Arbaco , October -11- 2023-{HMC} Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee  Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba nin oo lagu helay iney ka dambeeyeen dil deegaanka Nambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu geystay nin oday ahaa.

Ragaan ee Maxkamadda sare xukunka toogashada ah ku riday ayaa lagu kala magacaba Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, kuwaas oo horay xukunkaan oo kale ugu riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada, hayeeshee racfaan ay ka qaateen xukunkaas ugu dambeyn maanta markale Maxkamadda sare markale ku xukuntay dil toogasho.

Cali Cumar Axmed oo hooyadiis mar uu qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka Sida.

“Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida.

Ragaan Maxkamadda ay dilka ku xukuntay ayaa lagu helay iney geysteen dilka Marxuum Yuusuf Cabdi Axmed oo ahaa beeraley oo xili habeen ah lagu dhex dilay beertiisa oo ki taalay deegaanka Number 50 bishii October 19-keedii ee sanadkii 2022-ka.

Labadaan nin oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ayaa marxuumka dilkiisa ka hor la sheegay iney ka qaateen lacag dhan $17,300 oo dollarka maraykanka ah oo ugu jirtay akoon ugu xirnaa Moobeelkiisa, taasoo aheyd lacag uu ku gatay beer uu lahaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA