Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kee Dalka reer galbeed ah ee ka hor yimid xasuuqa Israel ka wado Gaza?

Arbaco , October -11- 2023-{HMC}  Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida bani aadamnimada ka baxsan ee ciidamada Israel u duqeynayaan shacabka Falastiin ee ku dhaqan magaalada Go’doonsan ee Gaza.

“Xaaladda Qaza waa mid aad u xun, mana aha in ciqaab wadareed lagu sameeyo in ka badan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza” ayuu yiri wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay si siman in loola dhaqmo shacabka Israel iyo Falastiin, isagoo xusay inuu ka walaacsan yahay xaalada sodohdiis iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa oo ku go’doosan degaanada ay weerartay Xamaas ee Israel.

“Waxa aan u baahanahay hoggaamiyeyaasha inay sameeyaan waa inay ula dhaqmaan nolosha Israel iyo nolosha Falastiin si siman. Sida aan uga walaacsanahay soddohdayda, waxaa jiri doona dad ka tirsan bulshada Yuhuudda ee Scotland oo ka welwelsan qoysaskooda Israa’iil,” ayuu yidhi.

Waxaa uu sheegay in Xamaas ay tahay koox yar oo aan qalmin in loo ciqaabo shacabka Falastiin oo dhan.

“Ciqaabta wadajirka ah ee ragga, haweenka iyo carruurta si fudud looma caddeeyo. Aqlabiyadda tirada badan wax shaqo ah kuma lahan Xamaas.”

Ka dib weerarkii Xamaas Israel ayaa duqeyn aan kala sooc laheyn ka wada Gaza, iyadoo ka jartay korontada, biyaha, cuntada, Korontada iyo waxyabaha kale ee daruuriga, waxaana duqeymaha Yuhuuda ku dhintay illaa hadda dad ka badan 1000 qof, halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan shan kun.

Raisul Wasaaraha Scotland Humza Yousaf ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyey dalalka reer galbeedka ee Israel ku dhaleeceeya xad gudubka ay ku heyso shacabka Gaza, iyadoo madaxda reer galbeedka ay horey si buuxda taageero ugu muujiyeen Israel ka dib weerarkii Xamaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA