Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka dowladda oo hawgal ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/ dhexe

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhanka ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen halka loo yaqaano Ciid-Ciidka oo u dhaw deegaanka Cali Fool dheere ee gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminyaay Taliyaha Cidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle ayey ciidanku ku baaraayeen dhul hawdka ah, iyadoo halkaasi ay ciidanku ka soo saareen miinooyin.

Deegaanka Ciid-Ciidka ee hawgalka laga sameeyey ayaa dhawaan Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda waxa ay kala wareegeen Al-Shabaab, oo in muddo ah halkaas ka talinayeen.

Howlgalka ayaa weli socda waxayna saraakiisha hoggaamniyasa howlgalka oo uu ugu horeeyo Taliyaha Cidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/le sare Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in hawgalka baarista uu socda, isaga oo sheegay in la baadigoobaya haraadiga waxyaabaha qarxa oo lagu aasay dhulka howdka ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA