Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlagalladii ugu danbeeyey ee Khawaariijta Dalka looga sifaynayo.

Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Khawaariijta laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka.

 

Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda #DanQaran in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaariijta.

 

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Khawaariijta oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka.

 

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA