Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Deg deg: Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka oo la kulmayo madaxweynaha Falstiin

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} — Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa jimcaha la kulmi doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, sida uu sheegay Xuseen Al-Sheekh, oo ah xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin (PLO).

Hoggaanka siyaasadeed ee Falastiin ayaa waxaa si weyn ugu kala qaybsan, xisbiga Fataax ee Maxamuud Cabbaas ee Daanta Galbeed iyo ururka Xamaas oo ay iska soo hor jeedaan ee maamula marinka Gaza.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu gaaro Israa’iil, si uu taageero ugu muujiyo dalka iyo dadkaba, kadib weeraradii Xamaas ee Sabtida.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbaday Israel inay u hogaansanto xeerarka dagaalka ay kula jirto xamaas.

Biden wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay carada dad ka reer israail, wuxuuse weydiistay xukuumadda inay xushamayso mabaadii’ida cahdiga Geneva.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA