Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay Dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Maanta ka hadlay dagaalada u dhexeeya dagaalyahanada Xamaas ee Falastiin iyo ciidanka Israa’iil oo muddo todobaad uu ka socdo aagga magaalada Gaza.

Guddoomiye Madaale oo Munaasabad ka dhacday Muqdisho ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in ciidanka Israa’iil ay dhibaato ba’an ku hayaan shacabka Falastiin, isla markaana Duqeyn ba’an ku burburiyeen dhismayaasha dadka Rayidka ee ku nool Qasa.

Wuxuu intaasi kusii daray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u duceeyaan dadka Falastiiniyiinta ee dhulkooda xooga lagu haysto, ayna u muujiyaan garab istaag.

‘Waxaan rabaa haddii uu Ilaah yiraahdo inaan Ilaah u barino walaalaheena reer Falastiin ee cadowgu ku gar-darooday ee raashinkii, korontadii iyo biyihii laga gooyay ee ciqaabta adag la kulmaayo ee la duqeynaayo, la’iskuna kaashaday in Ilaahey uu ka dulqaado” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo tilmaamay in Israel ay dhibaato ku hayso Qasa.

Marka laga soot ago hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu uga hadlay xaalada dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ma jiro war kale oo kasoo baxay Madaxda dowladda ugu saarreeysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dagaaladaasi.

Si kastaba, Tan iyo Sabtidii la soo dhaafay, Diyaaradaha Dagaalka Israel ayaa waxay Duqeyn ba’an ku burburiyeen Dhismayaasha dadka Rayidka ee ku nool magaalada Qasa iyo Guud ahaan deegaanada Marinka Qasa

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA