Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

FA-ga Ka Mamnuucay Calamadaha Falastiin iyo Yahuuda Garoonka Wembley

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} FA-ga ayaa ku dhawaaqay in calamada Israel iyo Falastiin laga mamnuuci doono garoonka Wembley Stadium kulamada soo socda ee ay England ku ciyaareyso garoonka.

Taas bedelkeeda waxaa maamuus loo sameyn doonaa dadka dhibanayaasha u noqday dagaalka socda ee ku waxyeeloobay dhanka yahuuda iyo Gaza marka ay England martigelineyso Australia maalinta Jimcaha.

FA-ga, ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay in ixtiraam loo muujin doono dhibanayaasha dagaalkakulanka England iyo Australia, waxayna xaqiijiyeen in aan wax calan ah oo Israel ama Falastiin ah laga ogolaan doonin dhismaha Wembley.

” Fiidnimada Jimcaha, waxaan xasuusan doonaa dhibanayaasha aan waxba galabsan ee dhacdooyinka ba’an ee Israel iyo Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay FA-ga.

“Ciyaartoyda England iyo Australia waxay xiran doonaan calamad madow inta uu socday kulanka garoonka Wembley, sidoo kale waxaa jiri doona waqti aamusnaan ah ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta.

“Kadib wada-hadallo aan la yeelanay dadka qeybihiisa kala duwan, waxaa la ogolaan doonaa kaliya calamada wadamada ciyaaraya ee kulamada soo socda ee Australia [13 Oct] iyo Italy [17 Oct].”

Taageerayaasha UK ayaa inta badan ah kuwa soo bandhigaya taageerada Falastiin gaar ahaan kooxaha ka dhisan Scotland, Ireland iyo Wales si la mid ah meelo ka mid ah England.

Waana sababta keentay in FA-ga ay diideen baaqii yahuuda ee ahaa in aargada Wembley laga dhigo midabada calanka yahuuda, laakiin FA-ga oo arkay taageerada Falastiin ayaa ka diiday codsigaas.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA