Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah-faahino dheeraad ah oo ka Soo Baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} —  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee mara degmadaasi, gaar ahaan gagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo kuwa waddada marayay.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, ayada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad kale oo la dhigay qaar kamid ah sisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inay dad usoo qabqabyeen qaraxa.

Ma jiro willaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxa iyo baaritaanada xigay ee ay ka sameeyeen degmada Dharkenley.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha degmadaasi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada.

Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA