Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gabriel Jesus Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhax-maray Ederson Intii Ay Socotay Ciyaartii Arsenal Iyo Man City

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ka hadlay dagaalkii dhax-maray goolahayaha ay isku-waddanka yihiin ee Ederson intii ay socotay ciyaartii ay kooxdiisa Arsenal 1-0 ku garaacday Manchester City toddobaadkan horraantiisii, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ku koobnayd ciyaartaas oo kaliya.

Jesus oo ka tegay Man City xagaagii 2022 oo u wareegay Arsenal, ayaa waxa uu kusoo bilowday kulankii Axaddii uu Gabriel Martinelli go’aamiyey guusha waqtiga dambe, waxaase ay isku dhaceen Ederson oo ay is riix-riixeen intii ay ciyaartu socotay, iyaga oo isweydaarsaday kalmado cadho ka muuqatay.

Labadooduba waxay hadda ku sugan yihiin xulka qaranka dalkooda Brazil ee isku diyaarinaya kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana Jesus oo ka hadlay dhacdadii Ederson uu yidhi: “Xidhiidh fiican ayaan la leeyahay, kaliya ma aha Ederson balse dhamaantood, waana iska caadi in garoonka ay waxaas oo kale ka dhacaan.

“Ederson ayaan inta badan waqtigayga la qaadan jiray xilligii aan joogay City, waananu isku faraxsanayn, wuu ogyahay sida aan uga helo, aniguna waan ogahay in uu iga helo, balse marka garoonka lagu jiro isagu waxa uu difaacayaa kooxdiisa, aniguna kooxdayda ayaan difaacayaa.

“Waxay ahayd waqti aanu guuleysanaynay, iyagana uma fududayn in la garaaco. Waxa aanu ahayn koxoda guuleysanaysa, aniga ayaa kubadda isku dayay in aan qabsado, si kastaba waanu isku dhacnay, waanu i riixay, balse ciyaarta kaddib wax walba caadi ayay noqdeen. Waanu wada-hadlaynay. Intaas ayay ku dhamaatay.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA