Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Deni oo soo saaray Baaq ku socda Shacabka Soomaliyeed.

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin.

Madaxweynaha ayaa maalinta Calanka darteed Tacsi u diray Halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa assaasihii Calanka Jamhuuriyadda iyo dhammaan cidkastoo qeyb ka aheyd halgankii Calanka iyo gobonimada dalkeenna.

“Maalintan qiimaha badan darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u soo celinta dowladnimada si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunyada inteeda kale”. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA