Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole dhiig shubay Loogu shubay Ciidamadii Ku dhawacnay Dagaalka AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta bilaabay olole cusub oo la xiriira dagaalka kooxda AS.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay olalahaasi oo dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira AS.

Dhiigga loo shubayo ciidanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo dhigayo bangiga keydka, waxaana kulankaan maanta soo abaabuulay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka cirib-tirka kooxaha AS.

Dagaalka Shabaab ee dalka ka socda ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo askar, halka ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamada huwanta, wuxuuna ololahan door muhiim ah ka ciyaari doona badbaadinta dhaawaca ciidankeenna geesiyaasha.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay AS badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa waxa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda AS ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA