Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo baareyso shakhsiyaadkii ku lugta lahaa xadgudubyadii dagaal ee ka dhacay Magaalada Laascaanood

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la qaado tallaabooyin dabagal ah oo ku saabsan la xisaabtanka shakhsiyaadka masuulka ka ah xad gudubyada dagaal ee ka dhanka ah arrimaha bini’aadantinimada ee ka dhacay intii ay socotay colaadda Laascaanood ee gobolka Sool.

Golaha ammaanka ayaa go’aankan qaatay, kaddib markii uu dhegaystay oo uu tixgaliyay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya, si waafaqsan farqadda 47 (c) (i) ee qaraarka 2662 (2022).

Qaraarka 1844RES/2008, ayaa wuxuu dhigayaa in cunuqabatayn maaliyadeed iyo kuwa safar ba lagusoo rogo shakhsiyaadka ku xusan warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga khubarada Soomaaliya.

Guddiga ayaa ku eedeeyay shaqsiyaadkan, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda, inay ku kaceen, falal la xiriira beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha waxbarashada, isbitaallada, afduubka iyo barakicinta dadka rayidka ah, iyo sidoo kale inay horjoogsadeen gargaarka bini’aadantinimo.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, inay xaqiijiyaan gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana loo ogolaado inay Laascaanood tagaan kooxaha ka hortagga walxaha qarxa, sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista iyo ururada ay khusayso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA