Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Qoys saddex fac is dhalay ee ay gacanta ku dhigeen Xamaas weerarkii Sabtidii

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Qoys saddax jiil oo is dhalay ah oo ku noolaa deegaanka ku yaalla wuqooyiga Israa’iil ee Kibbutz ayaa laga cabsi qabaa inay qafaasheen ururka Xamaas kadib weerarkii dhimashada sababay ee sabtidii.

Yossi Sneider ayaa BBC u sheegay in muuqaal naxdin leh uu ka dhex aqoonsaday ina adeertiis iyo labadeeda caruur ah oo ay ku hareereysan yihiin rag hubaysan.

Markii ay ahayd lixdii subaxnimo ee Sabtidii la soo dhaafay ayaa wacay qoyskiisa, si uu u hubsado inay nabad qabaan iyo in kale, balse cidina uma jawaabin.

Sneider ma awoodin inuu u tago waalidka ina adeertiis iyo seygeed midna.

Saacado kooban kadib markii uu isku dayay inuu la xairiiro qoyskiisa subaxii sabtida, ayuu arkay muuqaal u uku dhex arkay wax ula muuqday ina adeertiis, Shiri Bib iyo labadeeda caruur ah oo kala ah – Ariel oo afar jir ah iyo Kfir oo sagaal bilood jir ah.

“Mar ay ahayd abaare 10 kii ilaa 10:30 subaxnimo ayaa arkay sawirka Shiri Bib oo kor uhaysa labadeeda caruurta ah, oo ay dhinacyada ka taagan yihiin argagixisada Xamaas.”

“Waan aamini waayay sawirka,” ayuu yiri Sneider ayaa ciidamada Xamaas waxay soo jabiyeen xadkii kala qaybinayay Gaza iyo Israa’ool, iyada oo dagaalamayaashoodu ay weerar ay dad badan ku laayeen ka fuliyeen gudaha Israa’iil kaas oo sababay dhimahso kor u dhaafeysa 900 oo ruux.Weerarkaas ayaa wadamo badan oo caalamka ah cambaareeyeen.

Duqaymo aargudasho ah oo ay weerar celin ahaan u sameysay Israa’iil ayaa marinka Gaza ku dilay in ka badan 700 oo qof, sida ay sheegeen masuuliyiinta Falastiin.

Wax yar uun ka dib markii uu Sneider arkay masawirka ayaa wuxuu hadana helay muuqaal Shiri “oo ay hayaan Xamaas…iyada oo la oyneysa labada cunug ee gacmaheeda ay ku haysay”.

“Waxay wadeen iyaga oo aan haysan wax cunto ah, wax xafaayad ah iyo sidoo kale wax kale oo wax ku ool ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sneider. “Waxaan rajeynayaa in in ilmaha iyo hooyadood aysan kala dheerayn.”

Sidoo kale waxaa la waysan yahay waalidiintii iyo xaaskii Shiri – Margit Silverman, Yossi Silverman iyo Yarden. Sneider ayaa marar kala duwan isku dayay inay la xiriiro, balse “wax wara kama haysno” ayuu leeyahay.

Caafimaadka margit ayaa ah waxa ugu badan ee walwalka ku haya. “Margit aa qof aad iyo aad u xanuunsan. Waxay leedahay laleemo iyo xanuuno dhiigga ah, iyo sidoo kale sokoroow.”

Inkasta oo Sneider uu hubi in ina adeertii iyo labada cunug ay ka xaysteen Xamaas, hadana ma uu hubo boqolkiiba boqol waxa ku dhacay Margit, Yossi iyo Yarden.

Wuxuu sheegay in ina adeertii Shiriay ahayd macalin iskuulka caruurta u dhigta, ayna aheed qof naxariis iyo caqli isku darsatay. “Ma mudnayn in waxaasi ku dhacaan; cid mudanna ma jirto,” ayuu yiri. “Si aan u qeexo ma aqaano runtii.”

Safiirka Israa’iil ee UN ka, gilad Erdan ayaa sheegay in “in inta u dhaxaysa 100 ilaa 150” qof loo haysto maxaabiis ahaan lana geeyay Gaza kadib markii laga afduubtay gudaha dalkood ISraa’iil.

Talaadadii, Israa’iil afahayeen u hadlay milatariga Israa’iil oo lagu magacaabo Daniel Hagari in qoysaska 50 maxaabiis ah ay milatarigu war galiyeen.

Garabka hubaysan ee ururka Xamaas ee lagu magacaabo Al Qassam ayaa horaan ku goodiyay inay toogaan doonaan maxaabiista hadii ay Israa’iil diginin la’aan duqayso goobo ay shacabku dagan yihiin. Halkii duqayn ayay sheegtay inay u dili doonto qof maxbuus ah.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Xamaas barbardhigay ururka Dawladda SIlaamka isaga oo sheegay in waddankiisu uu diyaarin doono ‘ciidamo aad u xoogan oo aan wax lala barbardhigo aysan jirin’.

Mar aan wax ka waydiinay waxa uu rajeynayo inay dhacaan ayaa sheegay Sneider unuu taageeri doono go’aanada ay qaadato dawladda Israa’iil iyo milatariga waddanka intaba.

“Bani aadan lama macaamileyno,” ayuu yiri. “Xayawaano waa ay ka daran yihiin; xayawaanku isuma quuraan waxay sameeyeen oo kale.”

XIGASHO BBC SOMALI

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA