Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taageero Heer caalami ah oo loo raadinayo dagaalka ciidamada Soomaaliya ee AS

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} —  Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda AS.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”

Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.

Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”

Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka AS, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.

“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri.

“Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”

Arbacadii, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda.

Kamaal Daahir Guutaale, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay tababartay 9,700 askari tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May 2022, ayna 3,000 oo dheeri ah ku tababartay Eritrea.

Waxa uu sheegay in weli ciidamo dheeraad ah lagu tababarayo dibedda.

Gutaale ayaa sheegay in dowladda ay ku kalsoon tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda kadib hakadka 90-ka maalmood ah iyo bixitaanka xiga ee June 2024 oo dalka ay ka tagi doonaan 5,000 oo askari oo ATMIS ah.

“Waa arrin aan si dhab ah u qaadaneyno, haddana waa mas’uuliyaddeena inaan buuxino firaaqa,” ayuu yiri.

Guutaale waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhabarka u riteen labo shaqo oo kala ah — la-dagaalanka AS iyo qabsashada dhul ballaaran, halka sidoo kale la tababarayo ciidamo cusub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus,” ayuu yiri.

Souef aya ka digay in la dhayalsado AS, oo uu sheegay inay sameyso tababar ballaaran, iskuna dayeyso inay awoodda qabsato.
Waxa uu sheegay in kooxda ay heleyso hub “ayna aad u qalabeysan tahay.”

“Maya, ma dhayalsaneyno AS, mana jirto cid dhayalsan karta AS,” ayuu yiri. “Hore ayaan kaala hadlay wixii dhacay laba maalmood ka hor – Xamas waa koox hubaysan, waxaadna aragteen waxyeellada ay ka gaysteen Israel, halka Israel ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu ciidanka abaabulan uguna qalabaysan dhanka sirdoonka”.

Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sugayaan diyaarado helicopter ah oo ka imaanaya Burundi, oo ku xiran fasaxa dowladda Soomaaliya, si ay ugu daraan labadii diyaarad oo helicopter-ka ah oo ay horay uga heleen Uganda.

XIGASHO VOA SOMALI

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA