Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Warararkii u dambeeyey Khasaaraha Ka Dhashay dagaalka Israel iyo Falastiin oo kordhay

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} – Xisbullaah ayaa baahiyay muuqaal aan caadi aheyn kaasoo ay askar Yuhuud ah ku beegsanayaan Gantaal culus, xili gantaalka uu si halhaleel ah ugu dhacay askarta.

Dowlada Malesia, Xukuumad, Baarlamaan, Muxaafid iyo Mucaaradba ayaa maanta isku raacay in wado kasta loo maro sidii loogu gurman lahaa shacabka Falastiin iyo in Ciidamo loo diro halkaassi ay uga hortagaan gumaadka ay Israel ku wado shacabka Falastiin.

In ka badan Hal Malyan oo dhalinyaro Malesian ah ayaa sidoo kale isku dhaarsaday in Israel dhanka Tiknolijiyada ka weeraraan, malaayiintaan Maleesiyaanka oo u badan Hockers ayaa qorsheynayo iney beegsadaan Nadaamka Electronicga ee Israel.

Dhimashada Israel dagaalkan ka soo gaartay ayaa fiidkan gaartay 1,200 kuwaasoo 169 kamid ah yihiin Askar, waa sida ay sheegteen Israel.

Dhanka dhaawaca Wasaarada Caafimaada Israel waxay sheegtay inuu kor u dhaafay 3,000 oo qof kuwaasoo 345 kamid ah dhaawacyadooda halis yihiin halka 28 kalana quus laga joogo sii noolaanshahooda.

Wasaarada Caafimaadka Falastiin ayaa iyana sheegtay in geerida duqeymaha Israel ka wado Gaza ay gaartay 1,100 qof dhaawacuna sii cagacageynayo in ka badan 5000 kun, waxayna Wasaaradu intaas ku daratay in ciidamada Israel duqeeyeen xarunta bisha Cas ee Falastiin iyo goobo kale oo ay gabaad ka dhiganayeen shacab barakacay oo Falastiiniyiin ah.

Khubaro dhanka Milatariga ayaa sheegay in Gantaalka Difaaca Israel uusan aheyn mid kalsooni buuxda lagu qabo karo maadaama uu awood u leeyahay kaliya 65% gantaalada kusoo foosha leh inuu burburiyo, tani ayaana ka dhigan 100-kii Gantaal ee ay Xamaas rido in 35 kamid ah ku dhacayeen bartilmaameedyadii loogu talo galay.

Xamaas ayaa sheegtay iney maanta mar kale Israel magaalooyinkeeda ku weerartay illaa shan kun gantaal ayna gudaha Israel galisay dagaalyahano cusub,

Israel ayaa qiratay in guutooyinka Al-Qasaam wali ku sugan yihiin qeybo kamid ah Saldhigyadii iyo deegaanadii ay labadii maalin ugu horeysay qabsadeen. Arintaas ayaana meesha ka saareysay wararkii ay shalay baahiyeen ee ahaa iney dib ula wareegeem deegaanadii horay looga qabsaday.

Khabiirada dhanka Milatariga ee Israel ayaa isku raacay dhammaantooda in Howlgalkii Xamaas ee Duufaanta Al-Aqsaa uu ahaa howlgal 100% guuleystay, haatana aysan sahal aheyn in laga guuleysto ayagoona dhowr sababood arintaas u soo qaatay

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA