Wednesday, May 8, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu Danbeeyay Suuqa kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta

Khamiis , October -12- 2023-{HMC} Barcelona ayaa kordhisay dedaalka ay ugu jirto sidii ay bisha January ula saxeexan lahayd xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Jorginho oo 31 jir ah. (Mirror)

Difaaca England ee Harry Maguire oo 30 jir ah, waxa uu ugu hanjabay kooxdiisa Manchester United, in aanu sii ahaan doonin ciyaartoy kursiga kaydka fadhiya, isla markaana uu la hadli doono maamulka iyo tababare Erik ten Hag. (Mail)

Real Madrid ayaa waxay heshiis cusub ka saxeexday xiddiga reer France ee Eduardo Camavinga oo 2 jir ah iyo Khadka dhexe ee reer Uruguay ee Federico Vaverde oo 25 jir ah. Labadooduba waxay saxeexeen heshiisyo soconaya illaa sannadak 2028 oo lagu burburin karayo lacag dhan £1 bilyan oo Gini. (Cope)

Jesse Lingard oo ku sugan waddanka Sucuudiga waxa uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda Al-Ettifaq oo uu tababarka la qaadanayay, taas oo ciyaar saaxiibtinimo oo Arbacadii uu u saftay uu gool u dhaliyey. 30 jirka reer England ayaa koox la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tegay Nottingham Forest. (Goal

Chelsea waxay ciyaartoyda bartilmaameedka u ah ku darsatay weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo 24 jir ah oo ay doonayso inay la saxeexato bisha January. (ESPN)

Tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso oo 41 jir ah, waxa heshiiskiisa ku jira qodob dhigaya, in uu tegi karayo kooxaha Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich haddii ay soo dalbadaan xagaaga dambe oo aan loo diidi karayn. (Bild)

West Ham, Brighton, Crystal Palace iyo Bournemouth ayaa ku tartamaya weeraryahanka kooxda Stuttgart ee Serhou Guirassy oo u dhashay waddanka Guinea. 27 jirkan ayaa hoggaaminaya tartanka gool-dhalinta horyaalka Germany ee Bundesliga. (90 min)

Manchester United waxay go’aansaday in ay kordhiso qandaraaska difaaca reer England ee Aaron Wan-Bissaka oo 25 jir ah, iyo difaaca dhexe ee reer Sweden ee Victor Lindelof oo 29 jir ah, balse waa ay ka fiirsanayaan waxa ay ka yeelayaan Anthony Martial oo 27 jir ah. (ESPN)

Tababarihii hore ee Tottenham, Chelsea, Inter Milan iyo Juventus ee Antonio Conte ayaa iska diiday fursad uu ku nqoon lahaa tababaraha Napoli, waxaana uu doorbidayaa in uu sugo shaqo kale. 54 jirkan ayaa ay xidhiidh toos ah yeesheen madaxweynaha Napoli. (Fabrizio Romano)

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-05-2024}

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka.

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Wasiir ku xigeynka Wasaaradda Gaashaandhiga oo ka hadlay shirka Maareynta Hubka. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/H3cAV5_rDgc

WARARKA