Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma Ninka ay Xamaas magaciisa ku dul qortay diyaardaheeda?

Jimco , October -13- 2023-{HMC}  Maxamed AL-Zawari wuxuu inta badan ku noolaa dalal kala duwan intii aanu noqon Ingineer aan caadi ahayn. Noloshiisa waxay u dhexeysay xarig iyo cadaadis, ilaa la dilay 2016-kii.

Axadii, Xamaas waxay u magac dartay diyaaradihii is-miidaaminta ahaa ee ay adeegsatay intii uu socday dagaalkii ay Israa’iil kula jirtay Marinka Gaza iyo nawaaxigeeda “Al-Zawari”.

Ma aha markii ugu horreysay ee dhaqdhaqaaqu doorto in magaca Al-Zawari loo bixiyo hubka daaha laga qaaday.

Bishii May ee sanadkii 2021kii, waxay Xamaas ku dhawaaqday diyaarado aan duuliye lahayn oo loogu magac daray injineerkan u dhashay Tunuusiya.

Waa kuma Maxamed Al-Zawari, muxuuse yahay xiriirka kala dhaxeeyay Xamaas?

Maxamed AL-Zawari wuxuu ku dhashay Magaalada Isfax ee Tunisia dabayaaqadii 1967dii. Wuxuu ka soo jeeda qoys xaga diinta ku xeeldheer, wuxuu bartay diinta iyo Iskoolo maadiya intabada.

Yaraantiisu wuxuu ku biiray dhaqdhaqaaq diimeedka la yiraahdo Al-Naxda oo afkaar ahaan raacsanaa Ururka Muslim Brotherhood.

Dhaqdhaqaaqiisii ​​ardaynimo ee xarakadu waxay keentay in la xidho dhawr jeer intii uu xukunka hayay madaxweynihii hore ee Tunisia, Zine El Abidine Ben Ali, Al-Zawari wuxuu xubin ka ahaa hoggaanka ururka guud ee ururka ardayda Tuniisiya ee magaalada Isfax.

Sanadkii 1991 wuxuu Al-Zawari u baxsaday Liibiya, halkaas oo ku qaatay lix bilood ka dibna wuxuu uga safray dalka Siiriya oo uu mudo dheer ku sugnaa. Wuxuuna ku guursaday haweenay Siiriyan ah.

Al-Zawari waxa uu lix sano qaxoontinimo ku joogay dalka Suudaan, ka dibna waxa uu u wareegay Sucuudiga oo uu joogay muddo bil ah, ka hor inta aanu dib ugu noqon Suuriya oo uu ka soo shaqeeyay shirkad dayactir ah.

Ku Biiristiisi Ururka Xamas

Al-Zawari waxa uu ku biiray Al-Qassam, oo ah garabka milatari ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, sannadkii 2006-dii, si uu u bilaabo shaqada mashruuca samaynta diyaarad Drone ah, isaga oo kaashanaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Ciraaq.

Diyaaradii ugu horeysay oo uu hindisay ayaa lagu magacaabi jiray “SM”, waxaana loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, iyo magaca sarkaalka Ciraaq laftiisa.

Dagaalkii 2008-dii Israa’iil ku qaaday Qasa, Al-Zawari waxa uu dhammaystiray 30 diyaaradood oo aan duuliye lahayn isaga oo kaashanaya koox khaas ah oo ka tirsan Al-Qassam.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2012 iyo 2013, Al-Zawari waxa uu sagaal bilood ku qaatay Marinka Qasa, isaga oo halkaas ku dhammaystay mashruuciisii, waxaanu kormeeray diyaaradii “Ababil 1” ee ciidamada Al-Qassam ay u isticmaaleen dagaalkii Xamaas la gashay Israa’iil xagaagii 2014-kii.

Al-Zawari oo ay wehliyaan koox Injineero ah oo ka tirsan Al-Qassam ayaa booqasho ku tagay dalka Iran, waxaana ay la kulmeen khubaro ku takhasusay sameynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wuxuu dib ugu soo laabtay Tunisia ka dib dhicitaankii kaligii taliyihii Ben Ali oo ku baxay kacdoomo dadweyne oo ka dhacay dalkaasi 2011-kii, halkaas oo uu ka qalin jabiyay Dugsiga Qaranka ee Injineerada ee Isfax 2013.

Mashruuciisii qalin-jabinta ayaa ahaa ikhtiraacida diyaarad aan duuliye lahayn, markii danba waxa uu bare jaamacadeed ka soo noqday Dugsigii Injineerada Qaranka ee Isfax. Sidoo kale, waxa uu aasaasay Naadiga Duulimaadka Model ee Koonfurta isaga iyo tiro ardaydiisa ah iyo qaar ka mid ah duuliyayaasha shaqada ka fadhiistay.

Khaarijintii Al-Zawari

Al-Zawari ayaa lagu dilay rasaas oodda looga qaaday isagoo ku sugan gurigiisa hortiisa oo ku yaal magaalada Isfax, galabnimadii Oktoobar 15, 2016. Xamaas ayaa dilkiisa shirqoolka ku eedeysay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Intii aan la dilin waxaa cadayd inuu diyaarinayey shahaaddada saddexaad jaamacada isagoo doonayey inuu hindiso gujisyo lagu hago meelaha fog fog.

Howlgalka lagu qaarajiyey Maxamed Al-Zawari waxa la ogaaday inay fuliyeen rag u dhashay dalka Bosnia. balse Boosniya waa ay diiday in tuhmanaha dilka Al-Zawari lagu wareejiyo Tunuusiya.

Xigasho BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA