Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada oo ku dhowaaqday in lasoo Gabagabeeyay hawlgalkii Shabelelaha Dhexe.

Jimco , October -13- 2023-{HMC} —  Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay maleeshiyada AS si buuxda uga saaraan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay.

Waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaateeyaan HirShabelle iyo Galmudug, balse ay ciidanku maanta soo geba-gabeeyeen joogitaankoodii deegaankaasi.

“Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirshabelle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaahay mahadiis saakay ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen.

“Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u baxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidamaduna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan meesha ay taggaanba ay uga daba taggaan,” ayuu yiri Alcadaala.

AS ka ayaa ku dhawaad muddo afar toddobaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lahaayeen beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) illaa dhulka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga.

AS ka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, islamarkaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA