Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo sheegtay inaanay go’doominta Gaza joojinayn illaa laga sii daayo maxaabiista

Jimco, October -13- 2023-{HMC} Israa’iil ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto go’doominta Gaza illaa laga sii daynayo maxaabiista
Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is-difaacdo, hase ahaatee wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku sugan goobaha colaaddu ka socoto.
Gaashaanbuurta NATO ayaa cambaaraysay weerarka ay qaaday Xamaas, iyaga oo garab-istaag u muujiyey Israa’iil.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in 340,000 oo qof ay ka barakaceen marinka Gaza
Israa’iil ayaa Khamiistii ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa bartiisa X ee hore loogu yaqaanay Twitter ku sheegay, inaan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga”

Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah.

Maraykanka ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay.

Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA