Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kenya oo ka digtay ‘halista weerarro ay fuliso AS oo xiriir la leh’ dagaalka Xamaas iyo Israa’iil

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Kenya ayaa Khamiistii ka digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada AS oo qaada weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel.

Dalka ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay AS tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza waxay saamaynaysaa ammaanka caalamka,” ayay lagu yiri war kasoo baxay waaxda La-dagaalanka Argagaxisada ee Kenya oo lagu soo daabacay X, oo hore loogu yiqiin Twitter.

“Kooxaha argagixsada sida AS waxay qaadi karaan weeraro iyagoo midno u muujinaya Xamaas. Kenyanku waa in ay feejignaadaan oo ay booliiska ku wargeliyaan falalka argagixisanimo si ay tallaabo uga qaadaan,” ayuu raaciyay qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya.

AS ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay Arbacadii ku bogaadisay weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas fulisay dabayaaqadii todobaadkan.

Kenya ayaa ah dal gacan weyn ka geysta ciidamada Midowga Afrika ee taageera dowladda dhexe ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta AS, waxaana la kulantay weerarro aargoosi ah oo ay dad badan ku dhinteen.

Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay xustay sanadguuradii 10-aad ee kasoo wareegatay weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate ee caasimadda Nairobi sanadkii 2013-kii, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof.

Labo sano kadib Westgate dagaalyahanno ka tirsan AS ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasi oo ay ku dileen 148 qof oo ku dhowaa dhammaan ardaydii dhiganeysay.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Kenya, waxaana ka badan kaliya weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii oo ay ku dhinteen 213 qof.

Sannadkii 2019-kii, rag hubeysan oo ka tirsan AS ayaa 21 qof ku dilay dhismaha hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Sannadkii 2002-dii, weerar ismiidaamin ah oo Al-Qaacida ay ku qaadday hoteel dalxiis oo ay Israa’iil leedahay oo u dhow magaalada xeebta ah ee Mombasa, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan saddex Israa’iili ah, halka diyaaradda Israa’iil ay si dirqi ah uga badbaaday weerar gantaal ah xilli ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Mombasa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA