Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa Looga Hadlayaa shirka Somalia iyo saaxiibada caalamka uga furmay Turkiga?

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka socda shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta.

Shirkaan oo noqonaya kii afaraad ee noociisa ah ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa si gaar u dul istaagaya arrimaha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadannimada iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata gudaha Soomaaliya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa shirkaan ayaa shaaciyay “in shirka si weyn looga hadlayo dhimista ATMIS-ka iyo dadaallada la-dagaalanka argagixisada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Iyada oo ay ka soo qeyb-galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaalada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/Istaraatiijiyadda la-dagaalanka argagaxisada, kala-guurka ATMIS, xasilinta, iyo shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimadda uu kulankaan u leeyahay dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka, oo qiray inay garab taagan yihiin.

“Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amniga caalamiga ah.”

Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdicasiis Bin-Saalax ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ay dowladdu ugu jirto wax ka qabashada arrimaha ammaanka.

“Qatar waxay diyaar u tahay in ay taageerto qorshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Bin-Saalax oo adkeeyay taageerada Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhbut Bin-Nahyan ayaa markale ku celiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay Somaliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa horay u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, wuxuuna Imaaraadka xilligaan door muuqda ka qaata dhismaha ciidanka, gaar ahaan tababarada iyo kharashaadka ku baxa, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda AS.

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA