Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay Dayaaradaha dagaalka ee UK Khasab ugu leexiyeen Kenya Airways?

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Booliska UK ayaa xaqiijiyey in duullimaad ay ledahay shir kadda dayaaradda dayaaradaha ee Kenya Airways oo ku sii jeedday garoonka dayaaradaha ee Heathrow ee London ayaa lagu amray in ay ku degto garoonka Stansted ee waqooyiga bari ee London.

Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira galabnimadii 12 Oktoobar.

Sababta leexinta waxaa lagu sheegay in ay tahay khatar amniga ku saabsan, ayadoo warbaahinta maxalliga ahna ay werinayeen in kooxaha bambooyinka ku takhasasusay la arkayey ayagoo halkaa iu sii degdegaya.

“Waxaan wakhtigan la tacaalaynaa xaalad ka taagan garoonka Stansted. Dayaarad ka timid Nair obi oo u socotay Heathrow ayaa loo leexiyey Stansted galabta (Khamiid 12 Oktoobar). Garoonka weli waa uu furan yahay” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska Essex soo dhigay barta X.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay jirtay khatar laga cabsi qabay oo keentay in duullimaadkaas la leexiyo.

Habeennimadii ayaa shirkadda Kenya Airways waxay soo saartay qoraal aan midkaas wax badan uga duwanayn.

“Maamulka KQ oo la shaqaynaya maamulayaasha amniga ee xukuumadda Kenya iyo UK ayaa qaaday qiimayn ballaaran oo ku saabsan khatarta. Shaqaalaha dayaaradda saarnaa waa la wargeliyey, waxaana la qaaday dhamaanba wixii talaabooyin ahaa ee la xiriiray si loo xaqiijiyo bedqabka shaqaalaheenna iyo rakaabka” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah hadalkaas qoraalka ah.

Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga hortegey dayaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ka dib markii degdeg loo wargeliyey. Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Faransiiska.

Wasaaradda difaaca afhayeen u hadlay ayaa yiri “Dayaarado ah nooca Typhoon oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee RAF ee saldhigoodu yahay Coningsby ayaa la diray si ka hor tag ahaan ah galabtan si ay u baaraan dayaarad rayid oo ku soo dhawaanaysay UK”.

“Dayaaradaas nooca rayidka ah ayaa xiriir la samaynaysay shaqaalaha hagidda dayaaradaha ee dhulka jooga, waxaana lo soo galbiyey garoonka dayaaradaha Stansted oo si bedqab leh ay uga soo degtay”.

Flightradar24 data oo ah bar lagala socdo dhaqdhaqaaqyada duullimaadyada caalamka ayaa isna sheegay in dayaaraddaas oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner ay ka soo duushay magaalada Nairobi saacaddu markii ay ahayd 09:18 subaxnimo, ka dib 13 daqiiqo oo ay dib u dhacday.

Dayaaradda ayaa ku dul haadaysay jog gaaraya 17,000 oo cagood kanaalka English Channel ka hor intii aysan soo dhaadhicin ayadoo ku sii socotay dhanka waqooyi eek u dhereran bariga xeebta Kent.

Dayaaraddu waxay sii waddaay daadegiddeeda ayadoo raacday xeebta xeebta badda waqooyi ka dibna Essex, waxayna fariisatay garoonka Stansted 4:45 galaabnimo saacadda Afrikada bari.

“Waxaa dhamaanteen na hareereeyey boolis. Dhamaantood waxay wateen qoryo, waxayna xirnaayeen dares madow, waxayna na weydiinayeen aqoonsi. Kabtanka waxba ma uusan dhihin” ayey tiri haweeney dayaaradda saarnayd.

Isniintii ayaa duullimaad kale oo ay leedahay Kenya Airways, isagana kala gooshayay Nairobi iyo Heathrow London waxaa uu dalabaday gargaar caafimaad oo degdeg ah ka dib markii mid ka mid ah rakaabka uu xanuunsaday sida ay shirkaddu sheegtay.

“Shaqaalaha dayaaradda oo ay taageerayeen laba dhakhtar iyo hal kalkaaliye ayaa caawiyey qofkii xanuunsanayey ayadoo loo fidiyey gargaar caafimaad, , kabtankana wuxuu ku dhawaaqay in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo baahan yahay isagoo la hadlayey qaybta hagidda dayaaradaha” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA