Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sidee u samaysan yihiin oo ay u shaqeeyaan godadka iyo marinada Xamaas ee dhulka hoose?

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Israa’iil ayaa sheegtay inay weerarayso godadka sirta ah ee dhulka hoostiisa laga sameeyey ee ay isticmaalaan Xamaas, ayadoo dhanka kalena sii wadda weerarradii aargoosiga ahaa ee ay ku qaadaysay kooxdaas mintidiinta ah.

“Bal malee Qasa oo laba lakab ah; lakab dadka rayidka ah iyo lakab Xamaas ah. Waxaan isku dayeynaa in aan u gudubno lakabka labaad ee Xamaas ay dhistay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay milateriga israa’iil.

Laba nooc ayey isugu jiraan godadkaas. Qaar waxaa u soo mara sahayda, waxayna ka soo billowdaan dhinaca Masar ayagoo soo gala Qasa, halka kuwa kalena ay Qasa ka baxaan oo ay galaan deegaannada Israa’iiliyiinta ee xudduudda u dhow, waxayna Xamaas u isticmaalaan inay weerarro ka qaadaan.

Way adag tahay in la qiimeeyo baaxadda shabakadda oo Israa’iil ay u taqaano ‘Qasa Metro’ waayo waxaa la aaminsan yahay in ay dherersan yihiin 41 KM oo dherer ah iyo 10 KM oo ballac ah.

Ka dib dagaalkii 2021, milateriga Israa’iil wxay sheegeen inay weerarro xagga cirka ah ku burburiyeen in ka badan 100 KM oo godad ah.

Xamaas waxay dhankeeda sheegaysaa in godadkaas oo gaaraya 500 KM, kaliya 5% ay waxyeello soo gaartay. Si loo fahmi karo haddii aan u dhigno, xadiidka tareenka dhulka hoos mara ee London waa 400 KM, inta badanna masaafadaas waa dhulka dushiisa.

Dhismayaasha godadka waxay Qasa ka billowdeen ka hor intii aysan Israel askarteeda kala bixin 2005. Laakinse waxay sii kordheen markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku haynta marinkaas laba sano ka dib.

Taa waxay keentay in Israa’iil iyo Masarba ay aad u xaddidaan dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo dadka soo galaya kana baxaya sababo amni dartood.

Markii ay godadkaas ugu badnaayeen waxay gaareen ku dhawaad 2,500 oo god, kuwaasoo laga soo galin jiray badeecadaha ganacsiga, shidaalka iyo hubka, waxaana isticmaali jiray Xamaas iyo kooxo kale.

Koontarabaanku muhiimad weyn uma lahayn Qasa wixii ka dambeeyey 2010, markaasoo Israa’iil ay billowday inay ogolaato badeecado dheeraad ah in sibadda laga keeni karo oo xuduuddaha laga soo gelin karo. Masar goor dambe ayey iyadu xirtay ayadoo u adeegsatay biyo xoog leh oo ay ku furtay iyo burburin toos ah.

2006 waxay dagaalyahannadu adeegsadeen god hoos mara xuduudda Israa’iil, waxayna dileen laba askari, ayagoo soo qafaashay Gilad Shalit oo muddo shan sano ah ay haysteen.

Sannadkii 2013 milateriga Israa’iil waxay heleen god dhererkiisu yahay 1.6 KM, qotadiisuna tahay 18 mitir kaasoo saqafkiisa sare iyo darbiyadiisu ay shub yihiin. Wuxuu ka soo baxayey marinka Qasa, wuxuuna soo gaarayey beero dhinaca Israa’iil ku yaalla. Waxaa laga warhelay markii dadka deegaanku ay maqleen sharqan aan caadi ahayn oo godkaas ka soo baxaysay.

Godadka Qasa gudaheeda ku yaalla badankood waxaa la rumaysan yahay in ay gaarayaan 30 mitir, ayna meelo laga galo ku leeyihiin meelaha ka hooseeya guryaha, masaajidda, iskuullada iyo dhismayaasha kale ee dadweynaha, waxaana loo dhisay si aan mintidiinta loo qaban.

In god la dhiso kharashka ku baxa waxaa la sheegay in uu ka yimaado dadka deegaanka. Milateriga Israa’iil wuxuu Xamaas ku eedeeyey in malaayiin doolar oo Qasa la siiyey ay u leexiyeen inay ku bixiyaan godadka, iyo tobanaan kun oo tan oo shamiinto ah oo loogu tala galay in dib loogu dhiso guryihii ku burburay dagaalladii hore.

Waxaa aad loo aaminsan yahay in godadkaas xudduudda ka tallawsan ay xamaas isticmaaleen markii ay Sabtida weerarka kuqaadeen Israa’iil.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA