Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii ugu Danbeeyay Xaalada ka taagan Marinka Gaza iyo Qax ka socda

Jimco , October -13- 2023-{HMC} — Milatariga Israel ayaa u sheegay ilaa 1 milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza maanta inay ka baxaan waqooyiga magaaladaas sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Q.Midoobey waxay ka digtay in dad badan oo si wadar ah u qaxaya ay musiibo noqon doonto, Xamaas oo todobaadkan weerar naxdin iyo argagax leh ku qaaday Israa’iil ayaa ku gacan sayrtay amarka Israiil waxayna dadka ugu baaqday inay guryahooda joogaan, taasoo sii kordhinaysa argagaxa baahsan.

Amarka daad-gureynta, oo ay ku jirto magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah, ayaa jahawareer ka dhex abuuray dadka rayidka ah iyo shaqaalaha gargaarka ee horay uga cararay duqeymaha Israa’iil, waxayna la tacaalayaan go’doomin guud iyo dhul dhan oo koronto ah.

“Cunto iska ilow, koronto iska ilow, shidaalna iska ilow. Welwelka kaliya ee hadda jira waa haddii aad aad noolaan doonto, iyo halkii aad gabaad ka dhigan laheyd “ayuu yiri Nebal Farsakh, oo ah afhayeenka Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ee magaalada Gaza.

Dagaalkan oo socday muddo todobaad ah ayaa waxaa horay u galaaftay nolosha in ka badan 2,800 oo qof oo labada dhinac ah, waxaana xiisado colaadeed ay ka dhaceen gobolka oo dhan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA