Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidama Garay Wisil kana Takay mogdisho oo ku dhawaaqay go’aan culus

Sabti, October -14- 2023-{HMC}  Labo urur oo ka tirsan guutada 18-aad ee ciidanka Gor Gor oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidankaas oo warbaahinta kula hadlay Wisil ayaa sheegay inay ka dagaalami doonaan deegaanada ay AS kaga hareen gobolka Mudug oo Shabeelow uu ugu horeeyo.

Labadaan urur oo kala ah 9-aad iyo 10-aad ayaa safar ay uga baxeen Muqdisho ku maray gobollada dhexe oo dhan, ugu dambeyntii waxay maanta gaareen degmada Wisil ee koonfurta gobolka Mudug.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ciidankaan ku soo dhaweeyey degmo kasta oo ay safarkaan ku mareen, hadda waxay qorsheynayaan inay u gudbaan Shabeelow oo godad waaweyn ay AS ka qoteen.

Kooxda AS ayaa laga saari waayey koonfurta gobolka Mudug, waxay ka qaateen dhufeysyo waaweyn, waxaana hadda halkaas ku hor fadhiya ciidamo isugu jira guutada Abuu-dujaana iyo xoogagga deegaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dardar gelineysa dagaalka AS, ciidamada Gor Gor oo dhawaan fasax ka soo laabtay ayaa dib loogu celinayaa dagaalka, waxayna qaarkood kaabiga ku hayaan deegaanadii ay ka xoreyn lahaayeen AS.

Ciidamo kale oo ka tirsan Gor Gor ayaa shalay gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, degmadaas ayaa ka mid aheyd magaalooyinkii ay dib uga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ciidan ka soo jeeda dadka deegaanka ayaa la geeyey Ruun-nirgood, kuwaas oo aan dib uga soo laaba doonin, sida ay qorsheysay beesha degta Ruun-nirgood.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA