Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Ka dhacay Muqdisho

Sabti , October -14- 2023-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Waxaracade ee degmada Heliwaa.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa waxaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9, waxaana qaraxaasi oo ahaa mid xooggan uu gaariga ku qabsaday, xilli ay marayeen Xaafadda Waxaracade.

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay qaraxa, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan, waxaana gaariga la tilmaamay inuu gaarigaasi qeybo kamid ah gaaray burbur.

Labada askari ee dhintay ayaa waxaa la soo gaarsiiyey Xarunta hay’adda dembi baarista ee CID-da, halka kuwii dhaawaca ahaa la geeyay isbitaalka Madiino, si xaaladooda halkaas loogu dabiibo, sidoo qaraxa ayaa waxaa ka badbaaday Eey-da wax urisa ee ka tirsan Ciidanka K9.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ee loo yaqaan K9.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA