Thursday, June 13, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Oo Kulan la qaatay M/Hirshabeelle

Sabti, October -14- 2023-{HMC} Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Baladweyne,waxaana Socdaalkaan ku wehliyey,Ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Qaramada midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada George Conway.

Masuuliyiin uu horkacaayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufuroow ayaa garoonka diyaradaha Ugaas Khaliif ku sodhaweeyey wafdigaan,waxaana intaas kadib kulan la qateen Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar

Dabageed,iyadoo looga warbixiyey xaalada Baladweyne,cabsida ay ka qabaan fatahaado iyo dhibatadii ka dhalatay Qaraxyadii Baladweyne khawaarijta ka gaysatay iyo xaaladaha ay wajahayaan barakacyaasha ku nool Baladweyne.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah indha-indheenta iyo ukuurgalida xaladaha bini’aadanimo ee gobolka ka jira,u Diyaar garowga digniinaha xalaada El-Niño taas oo wata Fatahaado iyo daadad culus,waxaana intaas kadib wafdigaan kormeereen Kaamamka barakacyaasha ee ku yaal gudaha magaalada,waxaana mid mid ula kulmeen qoysaska ku nool iyagoo ka xogwareestay xaladooda.

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxa ay booqdeen goobaha biyo mareenada ah,iyo goobaha uu ka jilicsanyahay wabbiga markastana ka fataho.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Askarigii Dhawacay Taliyahiisa oo Xariir Jaceyl Maxkmada lagu Keenay Asiga oo Baxsad ahaa. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada.

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasaaradda Amniga XFS oo guddi gaar ah u xilsaartay sugidda amniga hey’adaha fulinaya Udxiyada. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA